Jiritaanka Dalladda Waxbarashada Ilays waxa uu u adeegaa dhammaan arrimaha
waxbarashada ee Soomaalida gaar ahaan aagga SSC Khaatumo ee Sool, Sanaag iyo Cayn waxa
ayna ujeeddadiisu tahay in la daryeelo, oo kor loo qaado, oo la dayactiro, oo la tayeeyo dhammaan
arrimaha ku taxaluqa baraha, dugsiga, iyo ardayga. Isla markaana la soo diyaariyo dhammaan
agabka waxbarashada iyo manhijka ay u baahan yihiin. Guud ahaan waxa ay Dalladdu ku hawlan
tahay adeegga waxbarashada, horumarka arrimaha bulshada, iyo arrimaha noolaynta iyo ilaalinta
deegaanka.
• Waxbarashada Asaasiga (Primary Education)
• Waxbarashada Dugsiga Sare (Secondary Education)
• Farsamada Gacanta (Vocational Training)
• Waxbarashada Dadka Waaweyn (Adult Education)
• Waxbarashada Jaamacadeed (Higher Education)
• Kor u qaadno waxbarashada oo tayeyno annaga oo dadka wax ku barayna qalab iyo hab cusub.
Isla markaana dadweynaha tusinayna sida waxbarashadu kor ugu qaado dhaqaalaha bulshada.
• Horumarino hawlgudashada jiritaanada waxbarashada si ay u xaqiijiyaan in ay himiladoodii
gaadheen iyo in ay qofkii la rabay bulshada u soo saareen, isla markaana himiladoodu u noqon
lahayd mid lagu gaadho liibaan dhow iyo mid fog.
• Hannaanka waxbarashada Ilays waayo waxa ay tayo la’aanta waxbarashadu sababtaa
hoosudhac ku yimaado garaadka aadamaha iyo raasamaalka aqoonta.
• Jiritaanada waxbarashada ku jihayno oo ku dhaqangelino hannaan waxbarasho oo cusub, isla
markaana saamayn ku yeelano siyaasada waxbarashada, tabaabulshayaasha waxbarashada iyo
arrimaha horumarinta bulshada.
• Sida ugu fiican u adeegsano qalabka iyo kheyraadka kale ee waxbarashada si aannu wax u barno
bulshadeena ka qaday nasiibka aqoonta.
• Dib u dhisno oo soo noolayno waxbarashada degmooyinka, tuulooyinka, iyo beelaha ka durugsan
magaalooyinka waaweyn. Isla markaana ka shaqayno jiritaanka, isku filaanshaha, iyo
horumarinta waxbarashada beelaha.
• Midayno aragtida waxbarashada ee dugsiyada iyo jaamacadaha si loo helo manhaj isku mid ah,
lebis isku mid ah, waxbarasho isku xilli ah, fasax isku mid ah, iyo fikir isku mid ah.
Dalladda Waxbarashada Ilays waxa ay ardayda bartaa hal run ah oo haddii la fahmo xal
u ah dhibaatooyinka deegaankeena, dhibaatooyinka bulshadeena haysta, iyo
dhibaatooyinka carro-edeg oo idil. Runtaasi waxa ay ku urursan tahay hal eray oo keliya.
Eraygaasi waa “Waxbarasho”.
Haddii aad doonayso in aad iska diiwaangeliso kalbarashooyinka (courses) Dalladda
Waxbarashada Ilays, waxa aad gujisaa barta KALBARASHO ee mareegta dalladda si aad
taxanaha kalbarashooyinka uga doorato kuwa aad xiisaynayso. Kolka ku xigta waxa aad
noo soo gudbisaa magaca kalbarashada si aannu kuugu sharraxno waxyaalaha ay ka
kooban tahay iyo qiimaheeda.
Carro-edeg waxaa lagu nool yahay war iyo wax la cuno. Warku waa uu ka muhiimsan yahay cuntada. Warku waa labo jaad oo kala ah: war murti ku dheehan tahay iyo war hadur ah oo aan dhur iyo dheeftoona lahayn. Warka murtidu ku dheehan tahay waxaa laga faa’iidaa waxyaallo badan oo ay ka mid yihiin: Xirfadahaaga oo uu wax ku kordhiyo, dhibaato ku haysatey oo aad ku furdaamiso, wax kaa khaldanaa oo uu kuu saxo, iyo in uu kugu abuuro in aad fekerto oo wax maamiso.