Jiritaanka Dalladda Waxbarashada Ilays waxa uu u adeegaa dhammaan arrimaha
waxbarashada ee Soomaalida gaar ahaan aagga SSC Khaatumo ee Sool, Sanaag iyo Cayn waxa
ayna ujeeddadiisu tahay in la daryeelo, oo kor loo qaado, oo la dayactiro, oo la tayeeyo dhammaan
arrimaha ku taxaluqa baraha, dugsiga, iyo ardayga. Isla markaana la soo diyaariyo dhammaan
agabka waxbarashada iyo manhijka ay u baahan yihiin. Guud ahaan waxa ay Dalladdu ku hawlan
tahay adeegga waxbarashada, horumarka arrimaha bulshada, iyo arrimaha noolaynta iyo ilaalinta
deegaanka.